“Manchester United waxa ay ku faraxsan tahay inay xaqiijisay inay heshiis kala gaartay Juventus inay kala soo wareegto Cristiano Ronaldo, iyadoo la raacayo heshiiska shuruudaha gaarka ah, fiisaha iyo caafimaadka.” ayuu u dhignaa bayaan ka soo baxay kooxda Man Utd.
Xiddiga shanta goor ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or ee Cristiano ayaa ilaa iyo haatan hantay 30 koob oo waa weyn intii uu ku jiray xirfaddiisa ciyaareed, waxaana koobabkaas ka mid ah shan Champions League, afar Koobka Kooxda Adduunka ah, Todobo horyaal oo uu ku qaaday dalalka England, Spain iyo Italy & Horyaalka dalkiisa Portugal.
Markii ugu horreysay oo uu Manchester United u soo ciyaaray waxa uu u saftay 292 kulan, isagoo u dhaliyey 118 gool, hadda ayuuna markale dib ugu soo laabanayaa garoonka Old Trafford.