(Dhoobley(Idaacadda Sanguuni). Sida wararku ay sheegayaan Cristiano Ronaldo ayaa la ogaaday kooxda uu doonayo inuu ku biiro, iyadoo ay jiraan dhowr kooxood waa weyn oo xiiseynaya saxiixiisa.
Cristiano Ronaldo ayaa doonaya inuu dib ugu laabto horyaalka Premier League, balse markaan waxa uu doonayaa inuu ku biiro naadiga horyaalka xafidanaysa ee Manchester City.
Wararku waxa ay intaa ku darayaan in Cristiano Ronaldo uu ku riixayo Kooxda Manchester City inuu u dhaqaaqo todobaadka ugu dambeeya suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaaga.
Xiddiga xulka qaranka Portugal ayaa heshiiskiisa waxa uu ku eg yahay xagaaga soo socda, waxaana ay u badan tahay inuusan qandaraaska u kordhin doonin Kooxdiisa Juventus.
Ronaldo ayaa la sheegay in lagu heli karo adduun dhan 25 milyan oo gini ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga xiddigaha 31-ka bishaan Agoosto, waxaana 36-sano jirkaan la warinayaa inuu weydiisatay Juventus in laga saaro safka hore kulankii ay 2-2 la galeen Udinese, isagoo kursiga keydka ku soo bilowday.
Ciyaaryahanka iyo kooxda labaduba waxay meesha ka saareen inuu laacibku ku laaban doono Real Madrid, halka PSG iyo Manchester United oo labaduba la la xiriirinayo xiddiga shanta jeer ku guuleystay Abaal-marinta Ballon d’Or aan loo malaynaynin inay hadda xiiseynayaan saxiixiisa.
Sida laga soo xigtay Wargeyska L’Equipe, Ronaldo ayaa dajiyay qorshihiisa ku aaddan ku soo laabashada horyaalka Premier League, waxaana uu iminka doonayaa inuu ku biiro Kooxda Manchester City.
Waxa uu ka war qabaa in Pep Guardiola uu doonayo inuu la soo wareego weeraryahan, laakiin sidaas oo ay tahay Man City horumar yar ayay ka samaysay raacdadii ay ugu jirtay Harry Kane.
Wargeyska ka soo baxa Faransiiska ayaa sheegaya in Ronaldo uu ku rajo weyn yahay in kooxda haysata horyaalka Premier League ay u soo jeesan karto doonistiisa haddii Harry Kane ay heli kari waayaan.