Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay kuxigeenka Wakiilka QM ee Soomaaliya

0
237

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam,  ii ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu Maanta kulan la qaatay ku xigeenka wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Anita Kiki Gbeho.

Labada mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen xaalada dalka iyo tageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo sidii ay Qaramada Midoobay u kordhin laheyd.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa uga mahad celiyay ku xigeenka wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Anita Kiki Gbeho taageerada ay siiyaan Soomaaliya gaar ahaan Jubbaland, isla markaana ay la Shaqeyn doonaan.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho waxaa la filayaa In uu kulamada sii wado, isaga oo dhawaan dib ugu laaban doona Magaalada Kismaayo ee Xarunta Kumeel garka ah ee maamulka Jubbaland.