Saxaafada Spain ayaa buun-buunisay saacadihii la soo dhaafay warar ku saabsan Cristiano Ronaldo, maadaama lala xiriiriyay inuu dib ugu laabanayo Real Madrid, kaddib markii uu codsaday macalinka reer Talyaani ee Carlo Ancelotti.
Ronaldo ayaa doonay inuu soo afjaro arrintan ka dib markii ay wararka la xiriiriyeen inuu u dhaqaaqayo midkood Real Madrid, Paris Saint-Germain iyo Manchester City xagaagan, wuxuuna qoraal ku saabsan arintaas soo dhigay boggiisa rasmiga ah ee Instagram-ka, wuxuuna yiri:
“Qof walba oo i garanaya wuu ogyahay inaan diiradda saarayo shaqadayda, hadalkeyga wuu yar yahay shaqadayduna way badan tahay, tani waxay ahayd halku-dhiggayga tan iyo bilowgii xirfadayda kubadda cagta, laakiin waa inaan caddeeyo wax walba oo ku saabsan wax kasta oo la sheegay oo la qoray dhawaan.”
“Saxaafadda waxay mustaqbalkeyga si ixtiraam darro leh uga hadashaa, aniga ahaan, ciyaaryahan ahaan, iyo bani’aadam ahaanba, taasoo ah wax ixtiraam darro u ah kooxaha la ila xiriiriyay, ciyaartoydooda iyo shaqaalaha farsamada si isku mid ah.”
“Sheekadaydii Real Madrid waa la qoray, oo lagu duubay ereyo, tirooyin, magacyo, cinwaano iyo rikoodho, madxafka Santiago Bernabeu, maskaxdeyda iyo maskaxda taageere kasta oo kooxda ah, marka loo fiiriyo waxa aan gaaray.”
“Waxaan xasuustaa inaan xiriir jacayl oo ixtiraam leh la lahaa Los Blancos, xiriirkaasna waan hayaa ilaa maantadan, waxaanan ogahay in taageerayaasha Real Madrid ay mar walba qalbigooda i galin doonaan, anigana sidaas oo kale.”
“Hadal joogto ah ayaa ka jiray Spain dhawaanahan kaas ila xiriirinayay kooxo badan oo horyaallo kala duwan ah iyadoo aan cidina isku dayin inay raadiso runta, laakiin waxaan ka baxay aamusnaanta si aan u dhaho dadka uma oggolaan karo inay ku ciyaaraan magacayga, waxaan diiradda saaraa xirfadeyda iyo shaqadayda, waxaanan diyaar u ahay dhammaan caqabadaha i horyaala inaan ka hortago, waxyaabaha kale oo dhan, kaliya waa hadal.”