Puntland oo Shaqaalaheeda & Shirkadaha ku amartay in ay qaataan tallaalka Covid-19

0
165

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-War saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Jaamac Faarax Xasan iyo Shaqada Shaqaalaha dhalinyaradda iyo ciyaaraha Puntland Jaamac Faarax Muuse ayay shaqaalaha dawladda, shaqaalaha shirkadaha iyo hay’addaha lagu faray in 21 cisho gudahood ah ku qaataan Talaalka cudurka Safmareenka ah ee Covid-19.

Labada wasiir oo warsaxaafadeedka ka hadlay ayaa xusay in iyadoo ay jirto kororka dadka uu haleelayo xanuunka Covid19 ay noqotay in talaalka la qaato si loo xakameeyo dadka uu xanuunku ku dhacayo.

Wasiirka Shaqada iyo shaqaalaha Puntland Jamac Farax Muuse oo hadalka bilaabay ayaa yiri:-

“Waxaan aniga iyo wasiirka wasaaradda caafimaadka halkaan u wada joognaa sidii aan warbaahinta iyo dhamaan shacabka Puntland ula wadaagi lahaa si looga taxadaro loona xakameeyo xanuunka Covid19 oo baryihii ugu dambeeyay kor ukac sameeyay ay muhiim noqotay in aan soo saarno amaro lagu farayo shaqaalaha kala duwan inay qataan talaalka.”

“Waxaan dhamaan faraynaa inta ay qusayso warqadan inay waqtiga loo qabtay ku dhamaystiraan qaadashada talaalka.”

Wasiirka caafimaadka Puntland Dr Jaamac Faarax Xasan oo isna ka hadlay ayaa yiri:-

Waxaan halkaan aniga iyo wasiirka shaqada iyo shaqaalaha idinkula wadaagaynaa inaan soo saarnay amar lagu farayo dhamaan shaqaalaha dawlada, shaqaalaha shirkadaha gaar ah iyo hay’addaha in 21 cisho gudahood ah ku qaataan Talaalka Covid-19.”

“Waxaad dhamaantiin la wada socotaan in xanuunka uu kordhay dadka uu ku dhacayo waxaana ogaanay waxa kaliya ee lagu xakamayn karo inay tahay in talaalka la qaato si looga hortago kororka dadka uu ku dhacayo. Waxaa xogta aan helaynaa xaqiijinaysaa in dadka xanuunka ugeeriyooday ay ahaayeen dadka aan qaadan talaalka taas si looga gaashaanto waxaa muhiim noqotay in aan soo saarno amaradaan.”

“Talaalka waxaa laga heli karayaa xarun kasta oo caafimaad oo ku taala Puntland waxaan sidoo kale usheegayaa inta ay qusayso in qofka aan talaalka qaadan waqtigaas aan soo saarnay kadib inuusan shaqaale sii ahaan doonin ilaa uu talaalka qaato. Waxaan uu ka bilaabanayaa 17-08-2021 ilaa 06-09-2021 ayuu yiri” Wasiirka Caafimaadka Puntland.

Degaannada Puntland ayaa waxaa uu kamid yahay meelaha sida weyn looga dareemayo in uu ku kordhay Wajiga Saddexaad ee Cudurka COVID-19, iyada oo kiisas farabadan laga diiwaangeliyay.