Wargeyska The Mirror ee kasoo baxa dalka Ingiriiska ayaa sheegay in macallinka Jarmalka ah uu helay daaweyn indhaha ah sidaas darteedna uu uga maarmay inuu xirto ookiyaalihii lagu bartay.
Ilo ku dhow-dhow Klopp ayaa wargeyska u sheegay in dhammaadka xilli ciyaareedkiin hore uu macallinkan maray qaliin guuleystay oo dhanka indhaha ah sidaas darteedna uusan u baahneyn inuu xilli walba xirnaado ookiyaalaha, balse ay dhici karto inuu marmar u baahdo.
Si kastaba ha ahaatee, Reds ayaa shalay guul ku daah furatay horyaalka Ingiriiska xilli ciyaareedkan 2021-22 kaddib markii ay 3-0 ku xaaqday naadiga Norwich, waxaana dhinaca kale dareenka dadweynaha soo jeediyay ookiyaale la’aanta Jurgen Klopp.
Sawirradii Klopp ee ciyaartii Norwich iyo maalmihii isu diyaarinta xilli ciyaareedka isagoo ookiyaale la’aan ah: