Shiinaha oo diiday baaritaan cusub oo dhulkeeda lagula sameeyo asalka xanuunka COVID-19

0
155

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Dowladda Shiinaha ayaa si cad u diiday baaqii Ururka Caafimaadka Adduunka ee ku saabsanaa in baaritaan cusub lagula sameeyo ciiddeeda si loo raadiyo asalka Covid-19.

Mas’uuliyiinta Shiinaha oo ka soo horjeestay codsigan ugu yimid Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa Carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la raaco “baaritaan ku saleeysan cilmi” halkii la raaci lahaa hanaan ku saleeysan hab “siyaasadeed”.

Ururka Caafimaadka Adduunka, ayaa Khamiistii ku boorriyay Shiinaha inay xoojiso is -weydaarsiga xogta ku saabsan fayraska Corona, si loo hormariyo baaritaanka asalka cudurkan.

Ururka Caafimaadka Adduunka, ayaa ugu baaqay dhammaan waddamada Caalamka inaysan siyaasadayn raadinta asalka cudurka Covid-19, kaas oo dilay ugu yaraan 4.3 milyan oo qof, sidokalana hoos u dhigay dhaqaalaha Adduunka tan iyo markii uu ka soo ifbaxay magaalada Wuhan ee Shiinaha bishii Disembar sannadkii 2019.

Sidokale Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa koox khubaro caalami ah u diray magaalada Wuhan bilowgii sannadkan, si ay u soo dhameystiraan wejiga koowaad warbixin ku saabsan xanuunkan.

Wejiyada soo socda ee daraasadaha ayaa la qorsheeyay in ay qeeyb ka noqdaan baaritaanno dheeri ah oo ku saabsan xogta horudhaca ah ee xanuunkan, iyadoo laga bilaabo kiisaskii ugu horeeyay ee soo baxay sannadkii 2019.