Raphael Varane oo soo gaaray xerada tababarka Manchester United si uu tijaabada caafimaadka ugu maro

0
330

Man United iyo Real Madrid ayaa bishii lasoo dhaafay shaaciyay inay ku heshiiyeen iibka difaaca xulka qaranka Faransiiska kaasoo ku dhow inuu si rasmi ah kaga mid noqdo safka Tababare Ole Gunnar Solskjaer.

Haddii dhammeystirka heshiiskan uu guuleysto kahor habeenka Jimcaha, 28-sano jirkan ayaa ciyaari kara kulanka ugu horreeya Red Devils ee horyaalka Premier League kaasoo ay la ciyaari doonto naadiga Leeds United.