Turkiga oo 30 Million oo dollar ugu deeqay Soomaaliya

0
161

Dhobley(Idaacadda Sanguuni)-Dowladda Turkiga ayaa waxaa ay Soomaaliya ugu deeqday lacag dhan 30 Million oo dollar, taas oo bilwalba qeyb kamid ah lacagtaas la siin doono Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sida lagu qoray  Wargeyska dowladda Turkiga Wasaaradda Arrimaha Turkiga ayaa bixineysa lacagtaas, waxaana Soomaaliya bil walba la siin doonaa lacag dhan 2.5 Million illaa inta ay ka gaareyso 30 Million oo dollar.

Wasaaradda Arrimaha Turkiga ayaa ku sheegtay sababta ay Soomaliya u siineyso lacagtaas in Soomaliya ay ku horumariso dhaqaalaheeda iyo dib u habeynta xarumaha dowladda.

Sidoo kale Turkiga ayaa sheegay inay si dhow ula socon doonaan sida loo isticmaalo lacagahaas, iyagoona isha ku heyn doono in loo isticmaalay xeerka dhaqaalaha, horumarinta iyo dib u habeynta maamulka.

Dowladda turkiga ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageerada weyn siiya Soomaaliya.