Sacuudiga oo taageeray tallaabooyinka uu qaaday Madaxweynaha Tunisia

0
231

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa taageero u muujisay madaxweynaha dalka Tunisia Kais Saied oo dhowaan qaaday tallaabooyin siyaasadeed oo dadka qaar ay ku macneeyeen afgambi.

Madaxweyne Kais Saied ayaa eryay xukuumaddii, kala diray baarlamaankii isaga oo taageero ka helaya ciidamada.

Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Tunisa, waxayna ugu baaqaday beesha caalamka inay garab istaagaan midnimada dalkaas, oo ay ixtiraamaan madax-banaanida dalkaas.