Jadon Sancho wuxuu dhaliyay 50 gool wuxuuna caawiyay 64 kale afartii xilli ciyaareed ee uu joogay Borussia Dortmund.
Manchester United ayaa xallisay heshiiska Jadon Sancho laba toddobaad kahor, laakiin ku dhawaaqista rasmiga ah ayaa dib u dhacday, sababo la xiriira waraaqaha heshiiska qaarkood, sida uu xaqiijiyay tababare Ole Gunnar Solskjær.
Wargeyska “Daily Mirror” ee dalka England ayaa xaqiijiyay in Manchester United ay bixisay 73 million pounds, oo u dhiganta 85 million euros, si ay u hesho adeega Jadon Sancho, taasoo ka dhigeysa inuu yahay heshiiska ugu qaalisan suuqa kala iibsiga xagaaga 2021 ilaa iyo haatan.
Xiddiga reer England ayaa u saxiixay kooxda Red Devils heshiis shan sano ah, taasoo ka dhigeysa inuu sii joogi doono garoonka Old Trafford ilaa iyo 2026, xilli laga war qabo inuu yahay 21 jir oo kaliya.
Yeelkeeda, Jadon Sancho ayaa u sheegay website-ka rasmiga ah ee kooxda Manchester United:
“Waxaan marwalba u mahadcelinayaa Borussia Dortmund oo i siisay fursad aan kaga ciyaaro kooxda koowaad, inkasta oo aan marwalba ogaa inaan maalin uun ku laaban doono England.”
“Fursada aan ugu biirayo kooxda Manchester United waa riyo ii rumowday, mana sugi karo inaan ka ciyaaro Premier League.”
“Waxaan nahay koox da’ayar ah oo xamaasadeysan, waana ogahay inaan si wadajir ah u sameyn karno wax gaar ah si aan u gaarno guusha ay taageerayaashu u qalmaan, waxaan rajeynayaa inaan la shaqeeyo tababaraha iyo shaqaalaha tababarka si aan u hormariyo qaab ciyaareedkeyga.”