Cristiano Ronaldo oo markii ugu horreysay huteel uu leeyahay ka furay meel ka baxsan Yurub… (Magaca huteelka, halka uu ku yaalo, qiimaha lagu seexanayo & adeegyada la baahiyay ee laga heli doono)

0
169

Huteelkan oo magaciisa laga dhigay Pestana CR7 Times Square ayaa laga furay magaalada New York waana midkii ugu horreeyay ee uu Ronaldo ka furay meel ka baxsan qaaradda Yurub maadaama uu ganacsigiisa gaarsiiyay dalka Mareykanka.

Taariikhdu markey ahayd 7-dii July ayaa la furay huteelkan sida uu Kabtanka xulka qaranka Portugal ku caddeeyay bartiisa Twitter-ka.

“Maxay tahay taariikh cajiib ah 07.07 – inaan idin baro huteelkeyga cusub ee Pestana CR7 Times Square ee magaalada New York” ayuu Ronaldo ku yiri qoraal uu soo raaciyay sawirrada huteelkiisa oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Sida laga soo xigtay barta rasmiga ah ee uu huteelka ku leeyahay internet-ka, Pestana CR7 Times Square ayaa habeenkii lagu kireynayaa 91 doolar oo u dhiganta 77 euro, waxaana qolalka kale ee lagu kireynayaa 140 doolar habeenkii.

Dhinaca kale, maadaama New York ay tahay magaalo aysan dadkeedu seexan, huteelka Cristiano Ronaldo ayaa leh adeeg soo dhoweyn oo 24 saacadood ah, waxaana uu sidoo kale leeyahay Jiim (GYM), goob gawaarida la dhigto, qolal loogu talo galay shirarka iyo dhacdooyinka ganacsiga.