RASMI: Paris Saint-Germain oo ku dhawaaqday inay dhameystirtay heshiiska Sergio Ramos

0
224

PSG ayaa ku shaacisay warbixin ay soo dhigtay website-keeda rasmiga ah, in Sergio Ramos uu yahay laacib ka tirsan  Paris isla markaana uu xiran doono lambarka 4-aad ee kooxdeeda.

Haddaba Sergio Ramos ayaa u sheegay website-keeda rasmiga ah ee kooxda Paris Saint-Germain:

“Aniga ahaan, waa ii sharaf inaan awoodo inaan xirto lambarka 4-aad ee kooxda Paris Saint-Germain”.

Sidoo kale, Wararka ka imaanaya France ayaa sheegaya in Sergio Ramos uu kooxda Paris Saint-Germain ka qaadan doono mushaar sanadle ah oo lagu qiyaasayo 15 million euros.

Sergio Ramos waa saxiixii saddexaad ee xagaagan ay sameysay kooxda Paris Saint-Germain, kaddib Dutchman Georginio Wijnaldum iyo Achraf Hakimi.

Ramos ayaa ka tagay Real Madrid, kaddib markii uu dhacay qandaraaskiisa isla markaana lagu guuldarreystay wada hadalada labada dhinac si uu u saxiixo heshiis cusub.