Xulka qaranka England oo balan kaga sameystay Italy kulanka finalka koobka EURO 2020 kaddib markii uu ka adkaaday Denmark

0
207

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada xul qaran England iyo Denmark ku kala nasteen bar-bardhac 1-1 ah.

Daqiiqadii 30-aad xulka qaranka Denmark ayaa hoggaanka u qabtay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Mikkel Damsgaard oo dhaliyay laad xur oo cajiib ah.

Laakiin 39 daqiiqo marka ay dheesha mareysay xulka qaranka England ayaa la yimid goolka bar-bardhaca kaddib markii uu gool iska dhaliyay kabtanka Denmark ee Simon Kjaer, ciyaarta ayaa waxay sidaas ku noqotay bar-bardhac 1-1 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

90-ka daqiiqo ee loogu talagalay kulanka ayaa wuxuu ku soo idlaaday bar-bardhac 1-1 ah oo ay isku mari waayeen labada xul qaran ee England iyo Denmark, waxaana la aaday 30 daqiiqo oo waqti dheeri ah, si loo xaqiijiyo xulka kula ciyaari doono Talyaaniga Finalka tarankan.

Daqiiqadii 104-aad xulka qaranka England ayaa hoggaanka u qabtay ciyaarta waxaana 2-1 ka dhigay Harry Kane oo ku celiyay rigoore uu ka soo tufay goolhaaye Kasper Schmeichel.

Ugu dambeyntii xulka qaranka England ayaa u gudbay filakna Koobka Qaramada Qaarada Yurub ee EURO 2020, kaddib markii uu 2-1 kaga adkaaday dhigiisa Denmark kulankii afar dhammaadka ahaa ee tartankan, wuxuuna finalka ku balansaday Talyaaniga.

SAWIRRO: