Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Jilaaga caanka ah ee Aamir Khan iyo xaaskiisa Kiran Rao ayaa shaaciyay inay ka kala tageen kadib muddo 15 sano ah oo ay wada joogeen, sida lagu sheegay bayaan si wadajir ah ay usoo saareen.
Waxay sheegeen inay iskala shaqeyn doonaan sidii ay korsan lahaayeen wiilkooda Azad Rao Khan.
“Muddadii 15-ka sanada aheyd ee aan wada joognay ee inaga dhexeeyay xiriirkii jaceyl ee ku dhisnaa qaddarinta iyo is aaminaadda waxaan go’aansaday in aan bilowno bog cusub oo ah in aanan sii wada joogi doonin” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay lamanayaashan hore.
Waxay labadooda ka tirsan yihiin shirkadda Bollywood, waxay sheegeen inay sii wadi doonaan mashaariicyo kale oo ka dhexeeyay oo ku saabsan soo saarista filimo.
“Waxaan sii wadi doonaa wadashaqeynta ku aadan soo saarista filimada , mashruuca Paani iyo mashruucyo kale oo aan jecelnahay in aan soo bandhigno”
Aamir Khan iyo Kirao waxay sheegeen in mar hore ay qorsheeyeen inay kala tegaan balse haatan ay ku faraxsan yihiin inay ka dhabeeyaan go’aankaas.
Waxay labadooda is barteen xilli ay jilayeen filinkii caanka ahaa ee Lagaan, Kiran waxay ka aheyd agaasime ku xigeenkii filimka.
Bishii Diseembar sanadkii 2005 ayay wada aqal galeen Aamir Khan iyo Kiran, waxay sanadkii 2011 u dhashay Azad.
Aamir wuxuu horraan guursaday Reena Dutta oo u dhashay gabadh iyo wiil.