Real Madrid oo aqbashay inay iibiso Raphael Varane & Kooxda Man United oo ku sii dhowaanaysa soo xero-gelinta difaacan

0
212

Man United ayaa la rumeysan yahay inay u aqoonsatay ciyaaryahanka reer France inuu yahay bartilmaameedkooda daafaca dhexe inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Warbixin dhowaan soo baxday ayaa sheegtay in Los Blancos ay qorsheyneyso inay ku adkeyso kooxda Ole Gunnar Solskjaer inay la saxiixato 28-sano jirkaan ka hor xilli ciyaareedka 2021-22.

Yeelkeede, sida ay warinayso Jariiradda Marca ee ka soo baxda Spain, kooxda ka dheesha horyaaka La Liga ayaa haatan ogolaansho siisay wakiilka xiddiga ku guuleystay Koobka Adduunka inuu wadahadal la galo Man United si uu ugu biiro garoonka Old Trafford.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Real Madrid ay Varane u soo bandhigtay – qandaraas cusub maadaama heshiiskiisu uu ku eg yahay bisha June ee soo socota, waxayna hordhigtay fursad uu ku saxiixo heshiis cusub, laakiin waxa uu caddeeyay inuu doonayo inuu helo tartan cusub.

Kooxda ka dhisan Spain ayaa la sheegayaa inay dooneyso inay aqbasho dalab dhan 43 milyan oo gini, taasoo aan la fileynin inay dhibaato ku tahay Man United, inkastoo kooxdu ay horay u ogolaatay inay 70 milyan oo gini ka bixiso Jadon Sancho.

Kooxda Solskjaer ayaa loo maleynayaa inay isku diyaarinayso inay la soo saxiixato labo daafac dhexe oo cusub inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan, iyadoo ciyaaryahanka Villarreal ee Pau Torres loo arko inuu bartilmaameed ka yahay Man Utd oo heshiiska qeyb kaga dhigaysa mid is-dhaafsi ah oo Eric Bailly oo dhanka kale ugu wareegayo.