Switzerland oo rigoorooyin kaga reebtay xulka France Koobka EURO 2020, isla markaana ay la balameen dhigooda Spain

0
196

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 uu ku hoggaaminayay xulka qaranka Switzerland.

Daqiiqadii 15-aad xulka qaranka Switzerland ayaa hoggaanka u qabtay dheesha waxaana 0-1 ka dhigay laacibkooda Haris Seferovic kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Steven Zuber.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

57 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay xulka qaranka France ayaa la yimid goolka bar-bardhaca, waxaana 1-1 ka dhigay Karim Benzema, kaddib markii uu caawin ka helay Kylian Mbappe.

Laakiin daqiiqadii 59-aad Karim Benzema oo markan caawin ka helay saaxiibkiis Antoine Griezmann ayaa wuxuu hoggaanka u dhiibay xulkiisa qaranka ee France, wuxuuna dheesha ka dhigay 2-1.

75 daqiiqo xiddiga jooga dheer ee Paul Pogba ayaa wuxuu hoggaanka u sii dheereeyay xulka qaranka France kaddib markii uu dhaliyay gool aad u qurux badan, wuxuuna dheesha ka dhigay 3-1.

Balse daqiiqadii 81-aad xulka Switzerland ayaa la yimid gool kaddib markii uu gool u dhaliyay xiddigooda Haris Seferovic, kaddib markii ay caawin kaga timid saaxiibkiis Kevin Mbabu, dheesha ayaa waxay sidaas ku noqotay 3-2.

YAAB.. 90 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay xulka qaranka Switzerland ayaa la yimid goolka bar-bardhaca waxaana 3-3 ka dhigay Mario Gavranovic kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Granit Xhaka.

Ugu dambeyntii waqtigii 90-ka daqiiqo ahaa ee loogu talagalay ciyaarta ayaa wuxuu ku soo idlaaday bar-bardhac 3-3 ah oo ay isku mari waayeen labada xul qaran ee France iyo Switzerland, waxaana la aaday 30 daqiiqo oo waqti dheeri ah, si loo xaqiijiyo xulka u gudbaya wareega xiga ee siddeeda.

Balse xulka Switzerland ayaaisaga xaadiriyay wareega xiga Siddeed dhammaadka Koobka Qaramada Qaarada Yurub ee EURO 2020. Kaddib markii ay Rigoorooyin 4-5 ah ay kaga soo gudbeen France, waxana la balameen dhigooda Spain.