Nin dowr weyn ka qaatay tiknoolojiyadda adduunka oo “xabsi isku dhex dilay”

0
154

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Aasaasihii baarnaamijka ka hortagga fayrasyada kombiyuutarada “McAfee Antivirus” John McAfee ayaa meydkiisa laga helay xabsi ku yaalla magaalada Barcelona saacado kadib markii maxkamad ku taal Spain ay aqbashay inay dib ugu celiso Mareykanka si loogu qaado dacwad ku aaddan canshuur lunsasho.

Waaxda cadaallada ee maamulka Catalonia ayaa sheegtay in dhakhaatiirta gargaarka degdega ah ay isku dayeen inay badbaadiyaan McAfee, balse aysan u suurogelin.Waxay sheegtay inay jiraan calaamado muujinaya inuu isaga gacantiisa isku dilay.

Shirkadda McAfee waxay soo saartay barnaamijkii ugu horreeyay ee ganacsi ee lagula dagaallamo fayraska kombiyuutarada.McAfee VirusScan wuxuu helay balaayiin dollar, ugu dambayntiina waxaa looga iibiyey shirkadda weyn ee teknoolojiyadda Intel in ka badan 7.6 bilyan oo dollar.

Bishii Oktoobar ee 2020 John McAfee ayaa lagu xiray Spain isagoo markaas doonayay inuu diyaarad u raaco Turkiga, waxaana lagu eedeeyay inuu ku guuldareystay inuu soo xareeyo canshuur celinta muddo afar sannadood ah, inkastoo uu maaliyiin lacag ah ka sameeyay barnaamijyo kala duwan.

Waaxda cadaallada Mareykanka ayaa ku andacootay in McAfee uu ka baxsaday mas’uuliyiinta canshuuraha iyadoo dakhligiisa lagu shubo akoonnada bangiyada iyo akoonnada lacagaha loo yaqaan ‘cryptocurrency’ oo adeegsanaya magacyada dad kale oo aan la aqoon.

Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu hanti maguurta ah oo uu lahaa oo ay ku jiraan doonyo iyo hantida kale uu qariyay, isagoo isticmaalaya magacyada dad kale.Maxkamadda qaranka ee Spain ayaa dowladda dalkaas u oggolaatay inay Mareykanka u gacan geliso McAfee si uu u wajaho eedeymahaha loo haysto.

Ganacsadaha, oo ku dhashay magaalada Gloucestershire, ee dalka Ingiriiska ayaa markii ugu horreysay soo caanbaxay sannadadii 1980-meeyadii ka dib markii uu aasaasay shirkaddiisa tiknoolajiyadda McAfee VirusScan.

In kasta oo uu hormuud ka ahaa ammanka kombuyuutarka, haddana wuxuu mar qirtay in uusan weligii barnaamijkaas ku isticmaalin kombiyuutarkiisa gaarka ah – ama barnaamij kasta oo ka hortagga fayraska.