Xiddiga xulka qaranka England ayaa la wariyey inuu ku wargeliyay Guddoomiye Daniel Levy inuu doonayo inuu ka tago kooxda ka dhisan Waqooyiga Magaalada London inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaaga.
Si kastaba ha noqotee, Daniel Levy ayaa ku adkeysanaya in weeraryahankooda muddada dheer ku sugnaa aan loo ogolaan doonin inuu ka tago Spurs sanadka 2021 ilaa iyo inta ay ka helayaan dalab ku kacaya 150 milyan oo gini.
Shabakadda ciyaaraha ee ESPN ayaa warinaysa haatan in Manchester City ay ku faraxsan tahay inay sugto 12 bilood oo dheeri ah haddii wadahadalka labada dhinaca uusan keenin xal wanaagsan bilaha soo socda.
Kooxda Manchester City ayaa weli u muuqata inay raadineyso beddel kale haddii ay sanadkan ku guuldarreystaan saxiixa Harry Kane, maadaama Sergio Aguero uu si xor ah uga dhaqaaqay, isla markaana ku biiray Naadiga Barcelona, welina aysan bedelkiisa ka helin suuqa kala iibsiga.