Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo ka hadlay doorashadii dhacday

0
187

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhambaal hambalyo ah u diray dhamaan shacabka Itoobiya oo si nabadgalyo ah ku soo gabagabeeyay doorashadii guud ee la qabtay Isniintii.

“Waa maalin taariikhi ah maxaa yeelay waxay in badan u oomanaayeen doorashooyin dimoqraadi ah. Riyadeenii ayaa rumowday. Waxaan adduunka tusnay in dimuqraadiyadda aysan kaliya ahayn waxa aan dooneyno laakiin ay sidoo kale qeyb ka tahay taariikhdeenna ”ayuu yiri.

“Waxaan si guul leh u hirgelinay doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo xalaal ah iyada oo loo marayo guddi doorasho oo madax-bannaan”, ayuu yiri ra’iisal wasaare Abiy Axmed.

Itoobiya ayaa ku guuleysatay doorashadii dadkeeda ay u doorteen musharixiintooda si weyn oo ay u soo baxeen iyadoo aan wax cadaadis ah la saarin, ayuu hoosta ka xariiqay. Abiy Axmed.

wuxuu intaa sii raaciyay inuu u mahadcelinayo xisbiyada siyaasadeed ee tartamaya, hoggaanka guddiga doorashada iyo shaqaalaha, warbaahinta, kormeerayaasha, ururada bulshada rayidka ah, ciidamada amniga iyo guud ahaan shacabka doorka lama-filaanka ah ee ay ka qaateen xaqiijinta guusha doorashada in kasta oo ay jireen caqabado kala duwan.