Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-90 qof oo Masaari ah oo ku xirnaa Xarunta lagu xiro Shisheeyaha Sharci-darada ku jooga dalka Libiya ayaa ugu dambeyn dadaal farabadan oo la sameeyay la sii wada daayey.
Madaxa Ergada Diplomaasiyiinta Masaarida u jooga Caasimada dalkaasi ee Tripoli, Maxamed Tharot Salim ayaa dadaal u galay sidii Muhaajiriintaasi loo sii dayn lahaa oo ilaa Jimcihii hore ku xirnaa Xarun ay Hay’adda Socdaalka Libiya ku hayaan Muhaajiriinta sharci La’aanta ku jooga dalkaasi.
Mas’uuliyiinta sar sare ee dowladda Masar ayaa soo dhaweeyay go’aanka dowladda Libya ay ku siideysay muhaajiriinta u dhashay dalkooda ee u xirnaa.