Manchester City oo diyaar u ah inay rikoor cusub oo dhanka suuqa kala iibsiga ah u dhigto kooxaha Premier League…(Waa kuma xiddiga ay qasnaddooda u jebineyso?)

0
259

Man City ayaa lagu soo warramayaa inay diyaar u tahay inay jebiso rikoorka suuqa kala iibsiga ee kooxaha ka ciyaara horyaalka Premier League si ay usoo qaadato xiddiga kooxda Aston Villa ee Jack Grealish.

Inkastoo uu dhaawac saddex bilood ah garoommada kaga maqnaa sanadkan, haddana 25-jirka khadka dhexe ka ciyaara Premier League ayaa bandhig heer sare kusoo jiitay kooxaha waaweyn kaddib markii uu dhaliyay lix gool isla markaasna uu caawiyay 10 kale kulammadii uu horyaalka Premier League ka ciyaaray fasalka dhammaaday ee 2020-21.

Aston Villa captain Jack Grealish backed to take career to next level at  Man City amid £100m transfer bid

Sida laga soo xiganayo majaladda The Telegraph, Man City ayaa diyaar la ah inay xiddiga reer England kula soo saxiixdaan lacag ka badan 90 milyan oo gini, iyadoo haatan rikoorka saxiixa ugu qaalisan Premier League uu heysto Paul Pogba oo Manchester United sanadkii 2016 ugu soo biiray 89 milyan oo gini.

Kabtanka Aston Villa ayaa sanadkii tagay heshiis shan sano ah u saxiixay kooxdiisa, waxaana qandaraaskaas uu dhici doonaa xagaaga 2025, taas ayaana keeneysa inuu xiddigan qiimo sare ugu fadhiyo kooxda ku ciyaarta garoonka Villa Park.