Maxaa laga filan karaa kulanka maanta ee Joe Biden iyo Vladmir Putin?

0
183
FILE - In this March 10, 2011, file photo, then-Vice President Joe Biden, left, shakes hands with Russian Prime Minister Vladimir Putin in Moscow, Russia. Russia and the United States exchanged documents Tuesday Jan. 26, 2021, to extend the New START nuclear treaty, their last remaining arms control pact, the Kremlin said. The Kremlin readout of a phone call between U.S. President Joe Biden and Russian President Vladimir Putin said they voiced satisfaction with the move. (AP Photo/Alexander Zemlianichenko, File)

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweyneyaasha dalalka Ruushka iyo Mareykanka Joe Biden iyo Vlademir Putin ayaa maanta oo Arbaca ah yeelanaya kulankii ugu horreeyay oo fool-ka-fool ah, tan iyo markii uu Joe Biden noqdey madaxweynaha Mareykanka.

Sarkaal ka tirsan Dowlada Mareykanka ayaa Talaadadi sheegay in aan wax badan laga filan shirkan marka la eego halka ay Moscow iyo Washington kala taagnaayeen sannadihii ugu danbeeyey.

Laakiin labada hoggaamiye ayaa sheegay in ay rajeynayaan in kulanka ay maanta ku yeelanayaan magaalada Geneva ee dalka Switzerland uu horseedi doono xiriir xasiloon, waloow ay labada dhinac isku maandhaafsan yihiin arrimo badan sida; Syria iyo Ukraine.