Labadan naadi ayaa ku dagaallamaya saxiixa difaaca ay mulkiyaddiisu leedahay Juventus ee Cristian Romero, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan inay Reds hoggaanka u heyso loollanka loogu jiro saxiixa difaacan dhexe.
Laacibka reer Argentina ayaa bandhig heer sare ah kusoo bandhigay kooxda Atalanta oo uu amaah ugu ciyaarayay xilli ciyaareedka 2020-21, waxaana qaab ciyaareedkiisa uu soo jiitay kooxaha ugu waaweyn Ingiriiska.
Wargeyska caanka ah ee Calciomercato ayaa sheegay inay Liverpool u xiiseyneyso Romero sida ay Man United u xiiseyno si ka badan, sidaas darteedna, waxay dalabkeeda gaarsiineysaa 50 milyan oo gini.
Wararka qaar ayaa sheegaya inay Red Devils ku hungowday dalabkii ugu horreeyay ee ay 23-jirkan ka gudbisay, sidaas darteedna aysan xoogga sii saarin saxiixiisa.