Maxaa ku dhacay Christian Eriksen?… (Xaaladdiisa caafimaad, xiddiga garoonka oo uu ku qaatay isbitaalka gudihiis, ciyaartii dib loo bilaabay, Lukaku oo gool u hibeeyay & wax walba oo la xiriira dhacdadii naxdinta lahayd ee xalay)

0
184

Kulankan oo ka tirsanaa Guruubka B ee tartanka Euro 2020 ayaa galay hakad weyn oo yimid markii uu garoonka ku dhex dhacay Eriksen oo miyir-daboolmay daqiiqaddii 40-aad ee ciyaarta, waxaana durba la hakiyay ciyaarta si xaaladdiisa loogu gargaaro.

Xiddigaha labada xul, garsoorka iyo shaqaalaha gargaarka caafimaadka ayaa durba usoo dhaqaaqay xiddiga Inter Milan iyagoo isku gadaamay laacibkan intii xaaladdiisa lala tacaalayay si aysan argagax kale ugu abuurin dadka arkay xaaladdaas sida labada sawire ee hoose.

Denmark players form a ring around Christian Eriksen

Dhinaca kale, gabadha lammaanaha la ah laacibka Inter Milan ee Sabrina Kvist Jensen ayaa gashay xaalad murugo ah iyadoo celin weysey illinta kasoo daadaneysay indhaheeda, waxaase garab istaag iyo inay sabarsiiyaan ku dadaalay qaar ka mid ah xiddigaha xulka Denmarka sida Kabtan Simon Kjaer iyo Goolhaye Kasper Schmeichel.

In Pics: Denmark Midfielder Christian Eriksen Collapses During Euro 2020; Family, Teammates And Fans in Tears

Si kastaba ha ahaatee, Eriksen ayaa loola cararay isbitaalka si xaaladdiisa loo dabiibo, waxaase daqiiqado kaddib markii la dhigay isbitaalka uu laacibkan dib u helay miyirkii iyadoo xiriirka kubadda cagta dalka Denmark ay xaqiijiyeen inay xaaladdiisa wanaagsanaatay.

Sidaas darteed, UEFA ayaa xaqiijisay in ciyaarta dib loogu laabanayo maadaama ay labada xul dalbadeen in kulanka la sii amba-qaado, waxayna ciyaarta ka bilaabatay afartii daqiiqo ee ka harsaneyd qaybta hore, kaddib shan daqiiqo oo nasiinno ahna, waxaa la ciyaaray qaybta labaad.

Danish-ku guuldarro ayay la kulmeen kaddib markii uu xulka Finland gool u dhaliyay Joel Pohjanpalo daqiiqaddii  60-aad ee ciyaarta, waxaana xusid mudan in Denmark uu daqiiqado kaddib goolkii laga dhaliyay rigoore ka qasaariyay xiddiga khadka dhexe ka ciyaara ee Pierre-Emile Hoejbjerg.

Markii ay ciyaarta dhammaatay, sidoo kalena uu xaaladdii qatarta ahayd ka baxay Eriksen, xiriirka UEFA ayaa xiddiga ugu wanaagsan ciyaarta u doortay kubbad sameeyaha Denmark oo isagoo isbitaalka jooga la guddoonsiiyay biladda laacibka garoonka.

Kaddib ciyaartaas, xulka qaranka Belgium ayaa kulan kale oo ka tirsan Guruubkan la ciyaaray xulka Russia, waxaana Romelu Lukaku oo laba gool dhaliyay ciyaartaas goolkiisii koowaad uu u hibeeyay xiddiga ay Inter ka wada tirsan yihiin ee Eriksen, waxaana uu inta kaamirada usoo dhowaaday yiri: “Chris, Chris, waan ku jeclahay”.

Dhacdadaas ayuu ammaan badan ku helay Lukaku oo xalay xulkiisa ka caawiyay inay 3-0 kaga adkaadaan Ruushka, waxaana labadiisa gool mid kale ku darsaday Thomas Meunier.

Isku soo wada duub e, xaaladda Eriksen ayaa isla xalay ka baxday qatartii, waxaana uu sida la sheegay ku baryay isbitaalka, xiddigaha Denmark ayaa sidoo kale lagu ammaanay geesinnimada ay muujiyeen kaddib markii ay goosteen inay ciyaarta dhammeystaan iyagoo dareen ahaan aanan wanaagsaneyn.

Si kastaba ha ahaatee, wararka kasoo kordha xaaladda xiddiga Inter Milan iyo xulka qaranka Denmark ayaan idiin soo gudbineynaa haddii uu Alle idmo.