Arsenal oo u gacan haatineysa xiddig ka tirsan Manchester United

0
259

Gunners ayaa lagu soo warramayaa inay la xiriirtay wakiillada laacibka Red Devils ee Donny van de Beek kaasoo ay doonayaan inay xagaagan lasoo saxiixdaan si ay ugu daboolaan baahiyaha ka jira khadka dhexe.

Van de Beek accused by Van Basten of making Man Utd move with 'big boy'  attitude | Goal.com

Xiddigii hore ee Ajax ayaa xilli ciyaareed adag ku qaatay Old Trafford fasalkiisii ugu horreeyay, waxaana uu ciyaaray daqiiqado ka mid ah 36 kulan oo garoonka kasoo muuqday isagoo kaliya afar kulan kusoo bilawday horyaalka Premier League.

Sida laga soo xigtay majaladda 90min, xiddiga reer Netherlands ayaa doonaya inuu isaga hayaamo Man United isagoo wada xaajood ku aaddan muhiimadda uu kooxda u leeyahay la qaatay Macallin Ole Gunnar Solskjaer.

Si kastaba ha ahaatee, mustaqbalka Van de Beek ayaa u muuqda mid aanan hubanti ahayn, waxaana haatan si aad ah u xiiseyneysa Arsenal oo dooneysa inay 24-sano jirkan la wareegto.