Maxaa ka harsan inay Barcelona si rasmi ah kaga saxiixato heshiis cusub kabtankeeda Lionel Messi?

0
178

Barca ayaa lagu soo warramayaa inaysan wali Messi u dirin warqadda heshiiska cusub si uu u saxiixo xilli uu ku maqan yahay gudashada waajibaadka xulka qarankiisa Argentina, waxaana xusid mudan in kaliya 20 maalmood ay ka harsan tahay inuu xiddigan xor noqdo.

Madaxweyne Joan Laporta ayaa caddeeyay qorshaha heshiiska cusub ee uu ugu talo galay kabtan Barcelona kaasoo gaaraya labo sano iyo mushahar dhan 50 milyan oo euro sanadkii – oo lagu micneeyay kala bar midka uu haatan sanadkii Camp Nou ka qaato -, kaddibna marka labadaas sano uu dhammeysto ay la siiyo qandaraas kale oo ku kacaya 10 sano isla markaasna uu ku qaban doono doorka safiirnimada isagoo ku qaadan 10 milyan oo euro.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha Blaugrana ayaa arrimaha heshiis kordhinta kala xaajooday Jorge Messi oo ah wakiilka iyo aabbaha dhalay Leo, balse illaa iyo haatan La Pulga ayaanan heli warqadda heshiiska cusub uu ku qoran yahay si uu saxiixo.

Dhinaca kale, Messi ayaa lagu soo warramayaa inuu la dhacsan yahay qorshaha dib u hagaajinta safka Barcelona ee uu Madaxweyne Laporta sameynayo, iyadoo haatan ay Barca xaqiijisay saxiixyada Sergio Aguero, Eric Garcia iyo Emerson Royal, waxaa sidoo kale la filayaa inuu waddada kusoo jiro Memphis Depay.