Talyaaniga: Dad xaday carro oo lagu ganaaxay in ka badan 3000 kun oo doolar.

0
181

Dhobley(Idaacadda Sanguuni)-Tiro dad ah oo la sheegay inay dal-dasheen bacaadka xeebta ayaa lagu ganaaxay $3,650 oo doolar kuwaas oo ku sugnaa xeebaha jasiiradda Sardinia ee Talyaaniga, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay Sabtidii in 41 qof lagu soo warramay inay xadeen 100 kiilo oo carro ah iyo agab kale.

Jasiiradda Sardinia ayaa caan ku ah carrada, waxaana mamnuuc ib qofka uu carro kasoo daabusho halkaas.

Ka ganacsiga carrada, dhagaxaanta yar yar iyo qalfoofka yaalla jasiirada ayaa la mamnuucay sanadkii 2017-dii.

Ganaaxa lagu soo rogay dadka carrada ka xaday jasiiradda ayaa imaanaya xilli dadka deegaanka ay cabasho ka muujiyeen carrada iyo agabka kale dabiiciga ah ee laga xado halkaas.

Dad dalxiiseyaal ah oo kasoo jeedo Yurub ayaa carrada ku ritay caagadaha biyaha si ay u xusuustaan jasiiradda ama qaarkood waxay suuq geynayeen carrada.

Xilli ay socdaan baaritaano, militeriga iyo saraakiisha canshuuraha ayaa baaritaano ka waday garoomada diyaaradaha iyo dekedaha iyo sidoo kale baraha Online-ka lagu suuq geeyo carrada.

Dalxiisayaasha oo carrada kusoo gurtay caagadaha biyada ayaa waxaa gacanta ku dhigay saraakiisha canshuuraha.

Booliska waxay sheegeen in maalmihii lasoo dhaafay arkeen xayeysiimo lagu suuq geynayo carrada iyo waxyaabaha kale ee sida sharci darrada ah looga soo xado jasiiradda, kuwaas oo lagu iibinayo qiimo sarreeyo.

Sawirro lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay carrada iyo waxyaabaha kale ee laga soo xaday jasiiradda, dadka adeegsada baraha bulshada ayaa sheegaya in xatooyada noocan ah ay halis ku tahay bilicda deegaanka.

Pierluigi Cocco, oo ah seynisyahana oo qaabilsan ilaalinta deegaanka oo degan jasiiradda Sardinian ayaa BBC u sheegay in sababta halkan ay uga badan yihiin dalxiisayaasha ay tahay carrada iyo waxyaabaha kale ee soo jiidashada leh.

Wuxuu sheegay in dadka qaar ay carrada goobtan u qaataan ‘xusuus’

Wuxuu intaas ku daray in tallaabadan noocan ah ay ka qeyb qaadan karto in xaalufinta jasiiradda isla markaana ay nabaad guur u horseedi karto

Saraakiisha amniga ee jasiiradda ayaa sidoo kale sheegay in carrada laga daabulayo xeebaha ay burburin karaan goobaha loo dalxiis tego oo la sameeyay malaayiin sano ka hor.Sanadkii 2019-kii ayay aheyd markii lamaane dalxiisayaal ahaa oo u dhashay Faransiiska lagu qabtay 40 kiilo oo carro ah ayka xadeen jasiiradda.