Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta oo Sabti ah degaanada Puntland ka bilaawday wajiga labaad ee tallaalka Cudurka safmareenka ah ee Covid19.
Wasiirka caafimaadka Puntland Dr Jamac Faarax Xasan ayaa garowe ka daahfuray talaalka wajiga labaad kaas oo isaguna qaatay talaalka, waxaa uu wasiirku dadweynaha reer Puntland kula dardaarmay inay dadkii horay u qaatay wajiga koowaad ee talaalka ay qaataan wajiga labaad oo ah kan ugu danbeeya.
Dadweyne fara badan ayaa talaalka maanta ka qaatay xarumaha talaalka lagu bixinayo waxaana dadka oo hadlay ay sheegeen in talaalkii hore aysan wax dhibaato ah kala kulmin kalsoonina ku qabaan marka ay kan qaadataan inay difaaca jirkooda ee xanuunka Covid 19 uu amaan yahay.
Tallaalkan ayaa loogu talagalay inay qaataan shaqaalaha caafimaadka, macalimiinta iyo dadka qaba xanuunada dhiikarka, macaanka iyo neefta kuwaasi oo ah kuwa saamaynta ugu badan uu ku yeelanayo xanuunka marka uu ku dhaco.
Sidoo kale waxaa magaalada Boosaaso ka daahfuray talaalka wajiga labaad gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed isaga ayaana talaalka qaatay dadweynaha gobolka Bari faray inay dadkii talaalka horay u qaatay ay wajiga labaad qataan.
Tallaalka ayaa mudo 5 maalmood ah ka socon doona degaannada Puntland, iyadoo dadkii hore u qaatay la siin doono wajiga labaad