Maxaa ka soo kordhay wararka Guardiola la xiriirinaya inuu ku laabanayo tababarka kooxda Barcelona?

0
226

Madaxweynaha Barcelona ayaa wali ku jahwareersan mustaqbalka Ronald Koeman, madaama uu doonayo inuu ceyriyo, laakiin weli ma uusan helin bedelkiisa ku haboon, taasoo ka dhigeysa inuu wax yar sugo.

Joan Laporta ayaa isku dayay inuu qandaraas la galo Julian Nagelsmann laakiin wuxuu heshiis u saxiixay Bayern Munich, kaddib wuxuu la xiriiray Hans Flick kahor inta uusan u dhaqaaqin tababarka xulka qaranka Germany, sidoo kale waxaa jira magacyada sida Xavi Hernandez iyo Mikel Arteta balse wax taageero ah kama helin Golaha sare ee maamulka Blaugrana.

Sida laga soo xigtay saxafiga caanka ah isla markaana ah khabiir kubadda cagta ee dalka Spain Guillem Balagué, shaqsiyaad u dhow Pep Guardiola ayaa waxay xaqiijiyeen in macalinka reer Spain qandaraas labo xilli ciyaareed sharci ah uu kula jiro kooxda Manchester City ay kaga harsan tahay kaliya xilli ciyaareedka soo socda, iyadoo aan loo eegin waxa ka dhica finalka Champions League.

Guillem Balagué ayaa wuxuu hadalkiisa intaas ku daray in kooxda Barcelona dhankeeda ay beenisay wararka la xiriirinaya inay la saxiixaneyso Pep Guardiola, gaar ahaan tan iyo markii tababaraha reer Spain uu xaqiijiyay waqtiyadii hore inuusan ku laaban doonin Barcelona xilligan, inkastoo uu aad u jecel yahay. kooxda iyo magaalada.

Si kastaba ha ahaatee, Manchester City ayaa habeen dambe ee Sabtida ah waxay Chelsea kula ciyaari doontaa kulanka finalka Champions League, waana kulan uu Pep Guardiola doonayo inuu guuleysto koobkiisa saddexaad ee tartankan xirfadiisa tababarnimo.