Madaxweynaha Faransiiska oo maanta tagay dalka Rwanda.

0
179

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa maanta tagay dalka Rwanda, waa safar heerkiisu sareeyo oo la doonayo in lagu hagaajiyo xiriirka labada dalka ka dib todobanaan sano oo Rwanda Faransiiska ku eedeynaysay in uu ku lug lahaa xasuuqii dalkaas ka dhacay 1994.

Macron ayaa subaxnimadii hore saaka oo khamiis ah tagay caasimadda Rwanda ee Kigali, isagoo wada hadal la yeelan doona madaxweyne Paul Kagame, laakiin arrinta xiisaha leh ayaa ah marka Macron hadal ka jeedinaya xarunta xasuusta xasuuqa Rwanda goobtaas oo ah meel ay ku aasan yihiin ku dhowaad 250,000 oo ruux oo kamid ahaa dadkii lagu laayay Rwanda sanadkii 1994.

Qaar kamid ah dadka Rwanda waxay Faransiiska ka filanayaan in uu raali gelin ka bixin doono, maadaama ay ku guul dareysteen in ay xasuuqa joojiyaan 100 maalmood ee ugu horeysay kaas oo lagu dilay 800,000 oo qowmiyadda Tutsi ah iyo tiro yar oo ka tirsan qowmiyadda Hutu.

Kagame, oo horey Macron ugu tagay Paris labo jeer affar sano ka hor, ayaa hoos u dhigay ahmiyadda arrintan isagoo sheegay in raali gelin ka timaadda Faransiiska ay noqonayso mid lama filaan ah.

Imaanshaha Rwanda ee madaxweyne Macron ayaa ku soo aadaysa iyadoo bishii Maarso guddi sare oo Faransiis ah oo baarayay doorka Paris ku laheyd xasuuqii Rwanda ay sheegeen in Faransiiska ka gaabiyay ka hor taga dhibaatadaas, hase yeeshee ma sheegin in Faransiiska mas’uul ka ahaa wixii ka dhacay Rwanda 1994.

Madaxweyne Kagame, waxaa uu horey u sheegay in Faransiiska uu ka qeyb qaatay xasuuqii Rwanda ka dhacay.

“Dadka reer Rwanda ma iloobi doonaan laakiin way cafin karaan doorka Faransiiska ee xasuuqaas” Kagame ayaa sidaa yiri.

Majaraha siyaasadda Rwanda waxaa haya Tutsi tan iyo markii falaagadii uu Paul Kagame hogaaminayay ay kala wareegeen xukunka dalkaas dowladdii ay hogaaminayeen qowmiyadda Hutu.

Waddooyinka caasimadda Kigali khamiistan maanta waa kuwo xasiloon, mana jiro boor ama calamo sida caadada aheyd marka madaxweyne imaanayo la sameyn jirey.

Markii diyaaradda madaxweyne Macron u soo jaheysatay Rwanda ayuu Twitterkiisa soo dhigay” Dareen qoto dheer ayaa imaan doona saacadaha soo aadan, si wadajir ah waxaa u qori doonaa cutub cusub oo ah xiriirka aan la leenahay Rwanda iyo Afrika”.

Rwanda ka did, madaxweyne Macron waxaa uu su safri doonaa dalka Koofur Afrika isagoo la kulmi doono madaxweyne Cyril Ramaphosa waxayna ka wada hadli doonaan dhibaatada cudurka COVID-19 iyo xasaradaha ka taagan gobolka.