PSG oo albaabada ka xiratay inay Real Madrid kala xaajooto iibka Kylian Mbappe…(& xiddiga ay Los Blancos baddel ahaan ugu dhaqaaqeyso oo la ogaaday)

0
181

(Dhoobley(Idaacadda Sanguuni). Kooxda kubadda cagta Real Madrid oo haatan xal u raadineysa macallin ay shaqada tababarennimo ku wareejiso kaddib markii uu Zidane go’aansaday inuu kooxda ka tago ayaa dhinaca kale wali ku raad joogta iibka Kylian Mbappe.

Los Blancos ayaa dooneysa inay Mbappe ku xoojiso safkeeda, waxaase wali ka caddeyn in Madaxweyne Florentino Perez uu u dhaqaaqayo saxiixa laacibka Faransiiska ah xagaagan iyo inuu sugayo xagaaga 2022 xilligaas oo uu dhici doono heshiiska uu 22-jirkan kula jiro kooxdiisa Paris Saint-Germain taasoo la micno ah in xiligaas bilaash lagu heli karo.

Balse wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya inay PSG ku adkeysaneyso inaysan iibin Mbappe oo ay mar kale isku dayaan inay usoo bandhigaan yabooh kale sii uu qalinka u dul dhigo heshiis cusub oo uu kusii joogo magaalada Paris.

Sidaas darteed, Los Blancos oo fahansan inaysan kooxda reer France dooneyn iibinta weeraryahankeeda, waxay awooddeeda isugu geyneysaa saxiixa xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland.

Inkastoo kooxda Jarmalka ka dhisan ay iyaduna ku fara adeegeyso heysashada weeraryahanka reer Norway, haddana Madaxweyne Perez ayay xagaagan ka go’antahay inuu gacanta kusoo dhigo saxiixa mid ka mid ah labadan xiddig.