Safka xulka qaranka Argentina ee kulammada bisha Juun oo lasoo saaray…(& Xiddig muhiim ah oo si la yaab leh looga reebay)

0
362
BELO HORIZONTE, BRAZIL - JULY 02: (L-R) Angel Di Maria, Lionel Messi, Sergio Aguero and Paulo Dybala of Argentina react after losing the Copa America Brazil 2019 Semi Final match between Brazil and Argentina at Mineirao Stadium on July 2, 2019 in Belo Horizonte, Brazil. (Photo by Gustavo Ortiz/Jam Media/Getty Images)

(Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni).. Tababaraha xulka qaranka dalka Argentina ee Lionel Scaloni ayaa soo saaray safkiisa rasmiga ah ee ciyaari doona kulammada is-reeb-reebka Koobka Adduunka ee xulalka Koonfurta Ameerika iyadoo uu hoggaaminayo Kabtan Lionel Messi.

Xiddigaha ugu badan uguna muhiimsan xulka ayaa laga soo xulay kooxaha qaaradda Yurub, waxaana xulka kasoo muuqday xiddigo ku cusub sida Emiliano Buendia, Lisandro Martinez iyo Cristian Romero halka haldoorrada xulka ee Messi, Angel di Maria iyo Sergio Aguero ay qayb ka yihiin safka Scaloni usoo xushay kulammada Chile iyo Colombia ee bisha June.

Dhanka kale, Paulo Dybala iyo Mauro Icardi ayaa laga waayay diiwaankan, waxaana la yaab noqotay in Dybala laga reebay safka xulka Albiceleste inkastoo loo aaneynayo qaab-ciyaareedkii liitay ee uu fasalkan kusoo bandhigay kooxdiisa Juventus.

Haddaba sawirka hoose ka eeg dhammaan xiddigaha xulka qaranka Argentina ee ciyaari doona kulammada is-reeb-reebka Koobka Adduunka ee xulalka hoos tagay xiriirka CONMEBOL iyo kooxaha ay ka tirsan yihiin: