(Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni). Sida wararku ay sheegayaan Tababare Zinedine Zidane ayaa isaga tagi kara Kooxda uu hoggaamiyo ee Real Madrid, iyadoo haddaba la sii warinayo Macallinka la wareegi kara shaqada Tababareennimo ee Los Blancos.
Wararka laga helayo dalka Spain ayaa soo jeedinaya in Zinedine Zidane uu ku wargeliyey xiddigaha Real Madrid inuu tagi doono Kooxda dhammaadka xilli ciyaareedkan.
Jariiradda Sunday Mirror ayaa warinaya in kooxda Real Madrid ay durba sii eeg-eeganayso Macallinka shaqadaas u beddeli kara, waxaana ay qorsheynayaan haatan inay u dhaqaaqaan Tababaraha Everton ee Carlo Ancelotti iyo Macallinkii hore ee Juventus, Massimiliano Allegri.
Dhinaca kale Jariiradda MARCA ee dalka Spain ayaa daabacday in Raul Gonzalez uu yahay dooqa koowaad ee beddeli doona Zidane xilli ciyaareedka soo socda.
Sidoo kale waxaa jira warar kale oo Macallin Joachim Low la xiriirinaya shaqada Tababarenimo ee kooxda Real Madrid xilli ciyaareedka soo aaddan haddii uu tago Tababaraha reer France ee Zidane.