Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

0
165

Dhobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa Gudaha dalkaas waxaa ay maanta ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa kuwa Ganacsi ahaan u tegay dalkaas, iyaga oo dilka kadib Goobta ka baxsaday.

Muwaadinka la dilay oo Magaciisa lagu soo koobay Khakiif ayaa xilliga la dilayay waxaa uu ku sugnaa Goob Ganacsi oo ku taal Deegaanka Kaliija oo Hoos yimaada Magaalada Cape Town ee dalkaasi Koonfur Afrika.

Mid kamid ah Soomalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in muwaadinka Soomaaliyed ay markii hore Kooxaha Burcadda ah u geysteen dhaawac culus, kaas oo sababay in uu ugu dambeyn u geeriyoodo.

Ciidamo ka tirsan Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa gaaray halka dilka uu ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka sameeyay baritaano la xiriira sida uu dilka ka dhacay iyo inay gacanta ku dhigaan Kooxihii ka dambeeyay dilkaas wallow aysan ku guuleysan.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa sanad walba lagu dilaa Tobaneeyo Soomaali ah, kuwaas oo Ganacsi ahan u taga dalkaas, waxaana jirin dowlad isku howshay in wax laga qabto dilalkaas oo ahaa kuwo muddo badan dhacayay.