Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Ha’yadda Isku-dubba-ridka gargaarka bani aadannimo ee Qaramada Midoobay OCHA ayaa sheegtay in 25 qof ay ku geeriyoodeen roobabkii todobaadkan ka da’ay Soomaaliya.
Dadka ku haftay biyaha roobka ayay hay’addu sheegtay in 14 ka mid ah ay carruur yihiin.
OCHA ayaa sheegtay in daadadka webiyada ay saameeyeen dad tiradooda lagu qiyaasay 25.000 oo qof oo ku nool jiinka webiga gobolka Shabeellaha Dhexe sidoo kalena ay dad kale ku barakaceen dhul beereer kalena ay biyuhu wax yeelleeyeen.
Roobabkii todobaadkii la soo dhaafay ka da’ay Soomaaliya ayaa sababay in dad badan ay ka barakacaan deegaannadooda hase yeeshee saadaasha ayaa sheegeysa in roobabku yaraan doonaan halka loo gaaro bartmaha bishan May.
Maamulka uruurinta xoga biyaha Soomaaliya ee “SWALIM” oo hoostaga hay’adda cunnada iyo beeraha adduunka ee FAO ayaa sheegtay in la filan fatahaado aan horay loo arkin oo uu sameeyo wabiga Shabeelle maalmaha soo socda.
OCHA ayaa sidoo kale sheegtay in in webiga Jubba uu buux dhaafay qarkana u saaranyahay waxyeello uu gaarsiiyo magaalada Doolow.
Qoraalka hay’adda ayaa lagu sheegay in khasaaraha roobabku ay sidoo kale sababeen 1250 neef oo ku haftay biyaha roobabka.
Inkasta oo ay haatan Soomaaliya ka da’ayaan roobab lixaad leh haddana waxay hay’addu sheegtay in roobabku ay dib uga dhaceen xilligii la abuuri lahaa dalagga beeraha taas oo ay ka dhalan karto cunno yari soo wajahda dalka.