Doorashada Hindiya: Haweeney si weyn uga guulaysatay ra’iisal wasaare Modi

0
242

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Xisbiga u taliya dalka Hindiya ee BJP ayaa xoogga saaray sidii uu ugu guulaysan lahaa gobolka Galbeedka Bengal, balse natiijada doorashada ayaa muujinaysa in uu jab weyn halkaa kala kulmay.

Iyadoo la tiriyay ku dhawaad dhammaan codadkii laga dhiibtay gobolkaas, ayaa xisbiga TMC ee ay hogaamiso Mamata Banerjee, waxa uu ku guulaystay in ka badan 200 kuraasta golaha wakiiladda Galbeedka Bengal oo ka koobaan 294 kursi.

Marwo Banerjee ayaa markii saddexaad noqotay hogaamiyaha gobolkaas muhiimka u ah siyaasadda dalkaas, waana haweeneyda qura ee madax ka ah gobol ku yaal Hindiya.

Xisbiyada mucaaradka ah ayaa si weyn u soo dhaweeyay guusha ay gaartay haweeneyda 66 jirka ah.

Ra’iisal wasaare Narendra Modi ayaa lagu dhaliilay inuu xoogga saaray doorashada gobollada halkii uu wax ka qaban lahaa cudurka safmarka ah ee Covid-19, kas oo fara ba’an ku haya Hindiya.