Wabiga Shabeelle oo ku fatahay Tuulooyinka Hoosyimaada Jowhar

0
185

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wabiga Shabeelle ayaa saqdii dhexe ee Xalay ku fatahay Tuulooyinka Mooyko iyo Baareey ee Hoosyimaada Magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlad Goboleedka Hishabeelle.

Fatahaadaha Wabiga Shabeelle  ee kasoo baxay Tuulada Mooyko ayaa soo gaaray Wadada Laamiga ah ee ay ku safraan dadka kabaxaya  Magaalada Jowhar ee Aadaya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka waxaana laga Cabsi qabaa in ay Go,do gabi ahaanba Wadada Laamiga ah ee Aada Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka.

Fatahaadaha Tuulada Baareey ayaa kamid ah Tuulooyinka ugu halista badan Marka uu Fatahaad kasameeyo Wabiga Shabeelle waxaana lagu xasuustaa Fatahaadii Wabiga Shabeelle ee Jaray Wddooyinka soo gala Magaalada Jowhar Sanadkii 2013 waxaana ay Tuuladaasi haatan qarka u saaran tahay In ay Go,do.

Labada Tuulo ee uu kufatahay Wabiga  oo wali biyaha ay ka burqanayaan ayaa Dadkii kunoolaa Tuulooyinkaasi waxa ay bilaabeen in ay ka barakacaan Guryahooda Maadaama ay biyaha Fatahaadaha soo buuxdhaafiyeen waxaana sidoo kale laga barakacay qaar kamid ah Xaafadaha Magaalada Jowhar  kadib markii Biyaha kasoo burqaday Buqda Tuulada Moyko ay soo galeen.

Sikastaba Ha,ahaatee Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa wada dadaalo ku aadan sidii wax looga Qaban lahaa Fatahaadaan oo Xalay sameeyay Wabiga Shabeelle ee Mara Bartamaha Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle