Miyuu Toni Kroos u ciyaari doonaa Real Madrid kulanka Champions League ee ay la balansan yihiin Chelsea?

0
259

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxaha kubadda cagta ee Real Madrid iyo Chelsea ayaa habeen dambe oo Talaado ah ku balansan kulanka lugta koowaad ee wareegga semi-finalka Champions League ciyaar ka dhici doonta garoonka Alfredo Di Stefano oo ay Los Blancos si ku meel gaar ah ugu ciyaareyso.

Laacibka khadka dhexe kaga ciyaara kooxda reer Spain ee Toni Kroos ayaa la filayaa inuu garoonka dib uga soo muuqdo ciyaarta habeen dambe kaddib markii uu dhaawac ku seegay saddexdii kulan ee lasoo dhaafay oo ay kooxdiisa ciyaartay.

Si kastaba ha ahaatee, Kroos ayaa tababarka kusoo laabtay shalay oo Axad ahayd, waxaana uu haatan qayb ka yahay qorshaha uu Macallin Zinedine Zidane kaga hor tagi doono naadiga Blues.

Xiddiga ka tirsan xulka qaranka dalka Jarmalka ayaa qayb libaax leh ka qaatay ciyaarihii ay Real Madrid kasoo gudubtay Liverpool ee wareegga rubac dhammaadka labadiisii lug iyo kulankii La Liga ee ay Barcelona roobka ku dhex garaaceen.