Ryan Giggs Oo SHAN Sannadood Oo Xabsi Ah Waajahaya Kaddib Jid-dil Uu U Geystay Xaaskiisa Oo Hinaastay Iyo Gabadh Kale

0
181

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Halyeygii hore ee Manchester United ee Ryan Giggs ayaa shalay maxkamadda lasoo taagay isagoo lagu eedeeyey in uu waxyeello u geystay laba haween ah oo ay midi tahay xaaskiisii hore ee ay dhowaanta kala tageen ee Kate Greville, taas oo uu dhibaato ugu geystay gurigooda dhexdeeda.

Giggs ayaa waajahaya xukun xadhig illaa shan sannadood ah, iyadoo boolisku ay dembiyadiisa oo laba qaybood oo kala duwan ah ka hor akhriyeen maxkamadda, taas oo keentay in markiiba uu waayo shaqadiisii xulka qaranka Wales oo lagu wargeliyey in aanu hoggaamin doonin tartanka Euro 2020 ee xagaaga.

Ryan Giggs oo ay da’diisu tahay 47 jir ayay booliska Swinton sheegeen in uu dhaawacyo u geystay Kate Greville oo xaaskiisa ahayd xilli ay ogaatay in uu gabadh kale saaxiib la yahay.

Kate Greville oo hinaasanayd iyo Giggs ayaa isku dhex qabsaday gurigooda qasriga ah, waxaana uu halyeygan hore ee United u qaaday gacan, taas oo keentay in dhaawacyo soo gaadhaan Kate Greville, isla markaana boolisku gudaha usoo galaan guriga.

Kate oo 36 jir ah ayaa warbaahinta hor-timid iyadoo dhaawacyo ku yaallaan.

Waxa kale oo Rygan Giggis lagu eedeeyey in uu saddex sannadood ka hor dhaawacyo kale u geystay gabadh kale oo ay da’deedu ahayd 20 jir oo ay saaxiibbo ahaayeen, taas oo dhegaysiga kiiskeedu bilaabmi doono April 28.

Kiiska labaad ee dhacay December 2017 ayaa la sheegay in Giggs uu qasbay gabadh 20 jir ah, waana midkan dacwadda halista badan ku ah ee uu xadhigga ku mutaysanayo.

Sida uu dhigayo sharcigu, waxyeellada uu u geystay labada haweenka ah iyo falka xoogga ah ee uu ku kacay, ayaa waxay ciqaabtiisu tahay, in illaa shan sannadood oo xabsi uu galo, taas oo haddii ay dhacdo ceeb iyo fadeexad ku noqon doonta.

Qodobka sharci ee waajibinaya shanta sannadood ee xadhigga ah ayaa u qoran sidan: “Ficil ama nooc gacan-qaad, hanjabaad, bahdil iyo cabsi-gelin ama xad-gudub kale oo loo adeegsado in lagu waxyeelleeyo, lagu ciqaabo ama lagu cabsi geliyo dhibanaha.”