Ilkay Gundogan Oo Kasoo Horjeedsaday Isbeddelka Lagu Sameeyey Tartanka Champions League

0
237

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga kooxda Manchester City ee Ilkay Gundogan ayaa meel adag iska taagay isbeddelka ay UEFA ku samaysay tartanka Champions League, kaas oo la kordhiyey tirada kooxaha ka qayb-gelaya, isla markaana qaab cusub loo ciyari doono marka la gaadho sannadka 2014

UEFA ayaa qorshaysay in tirada kooxaha Champions League laga dhigo 36 halkii ay hore u ahaayeen 32, meeshana laga saaro wareegga hore ee Group-yada oo laga dhigi doono qaab isreeb-reeb oo kale ah, iyadoo qori-tuurkana la samayn doono marka kooxuhu soo gaadhaan wareegga 16ka.

Qaabkan cusub ee Champions League ayaa kordhin doona tirada kulamada ay kooxuhu ciyaari doonaan, waxaana UEFA ay xaqiijisay in illaa 10 kooxood oo kala duwan uu naadi walba waajihi doono inta aanu u gudbin wareegga 16ka, kuwaas oo shan ka mid ah ay koox waliba garoonkeeda ku ciyaari doonto, shanta kalena dibedda u bixi doonto.

Kubbad-sameeyaha Manchester City ee Ilkay Gundogan ayaa dhalliilay isbeddelka ay UEFA samaysay, waxaanu sheegay in aan loo baahnayn in la kordhiyo tirada ciyaaraha iyadoo marka horeba ay ciyaartoydu ku dhibaatoonayeen kulamada tirada badan.

30 jirkan ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee Twitter-ka, waxa uu ku yidhi: “Iyadoo ay socoto doodda Super League… miyeynu sidoo kale ka hadli karnaa qaabka cusub ee Champions League.

“Kulamo intii hore aad iyo aad uga badan, miyaanu qofna ka fikirayn ciyaartoyda? Qaabka cusub ee UCL waa shar ka yar Super League haddii la isbarbar-dhigo….”