Puntland oo soo saartay go’aan lagu mamnuucayo jarista dhirta

0
177

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Maamulka Puntland ayaa sheegay in degaannadooda uu aad ugu xoogestay jarida dhirta laga sameeynaayo dhuxusha, isla markaana ay dhibaato ku tahay degaanka oo uu xaaluf ba’an kajiro.

Kusimaha Wasiirka Wasaarada Deegaanka Beeraha Iyo Isbadalka Cimilada Puntland  ahna wasiiru dowlaha Wasaaradda Cabdirashiid Cali Geelle ayaa sheegay in bilihii la soo dhaafay degaano badan laga jarayay Geedaha si dhuxul looga sameeyo halka degaano kale ay Puntland ku guuleysatay inay ka joojiso.

Waxaa uu hadalkiisa uu intasi ku daray in puntland ay mamnuucday jarista dhirta si dhuxul looga sameeyo, ciddii lagu arkaana tallaabo sharci ah laga qaadi doono sidoo kalena dhawaan ay soo saari doonaan Go’aano ku saabsan ka hortagga jarista dhirta laga shido dhuxusha.

Ugu dambeyn Wasiirka waxaa uu sheegay in hadii aan la joojin jarsta dhirta degaannada Puntland dhulkooda uu noqonayo mid la xaalufiyay taasina aysan u dul qaadan doonin Wasaarada Deegaanka Beeraha Iyo Isbadalka Cimilada Puntland.

Dhowr jeer ayaa Maamulka Puntland waxaa uu soo saaray go’ano lagu mamnuucayo jarista dhirta dhuxusha laga shido, hayeeshee Go’aanadaas aysan noqon kuwo dhaqan gala oo weli si caadi ah dadka ay dhirta u jarayaan.