Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya Professor Maxamed Cabdi Gaandi ayaa maanta ku geeroyooday dalka Faransiiska.
Professor Gaandi ayaa dhowaanahaan ku xanuunsanaa dalkaasi Faransiiska, gaar ahaan magaalada Besancon oo ku taalla Bariga Faransiiska.
Gaandi waxa uu ahaa aqoonyahan culuunta dhulka, bulshada iyo dhaqamada bulshooyinka, isagoo laba shahaadada sare ee PhD ku haystay culuuntaasi.
Waxa u muddo dheer ku noolaa dalka Faransiiska. Waxa uuna haatan ka mid ahaa musharraxiinta madaxtinnimada Soomaaliya.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo uu ka tirsanaa dawladdiisa islamarkaana ay ku wada jireen Golah Midowga Musharrixiinta ayaa ka tacsiyeeyye geerida Professor Gaandi.
Gaandi ayaa da’diisa lagu sheegay 72 jir.