Booliska dowlad degaanka oo Gacanta ku dhigay lacag been abuur ah & Nin sameynayay

0
368
Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Ciimada Booliska Maamulka magaalada Tog-wajaale ee deegaanka Soomalida ayaa soo bandhigay Qalab lagu Samaynayay Lacago Been abuur ah oo deegaanka la soo galiyay.

Saraakiisha Booliska ayaa waxaa ay sheegeen in sidoo kale gacanta ku soodhigeen, Eedaysane Nabiil Cabdillaahi Cali oo ay kusoo qabteen Isaga oo Mashiin ku sameenaya lacag Been abuur ah.

Taliyaha Booliska Magaalada Tog-wajaale ee deegaanka Soomalida ayaa sheegay in baartaano dheeri ah ay Ciidamada sameyn doonaan si gacanta loogu soo dhigo dad kale oo lagu tuhmayo inay ku lug lahaayeen aarintaan.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in ay Cadaaladda dhawaan horkeeni doonaan Shaqsiga ay u soo qabteen falkan, isaga oo digniin u diray dadka ku howlan sameynta lacagaha been abuurka ah.

Dhowr jeer ayaa Ciidamada Booliska magaalada Tog-wajaale ee deegaanka Soomalida waxaa ay gacanta ku dhigeen mashiino lagu sameeynayay lacago been abuur ah iyo dadka ku Shaqeysanayay.