Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Labada kooxood ee ugu guulaha badan taariikhda tartanka Copa del Rey ayaa caawa isku haleelaya finalka xilli ciyaareedkan ee tartankan, waana Barcelona iyo Athletic Bilbao.
Athletic ayaa timid finalka Copa del Rey ee xilli ciyaareedkii hore, waxaana kaga guuleysatay Real Sociedad, laakiin waxay hore u qaadday 23 jeer koobkan waxaana kaliya ka badan Barcelona oo ku guuleysatay 30 jeer, waxaanay labadoodu yihiin kooxaha tirada ugu badan ku guuleystay taariikhda koobkan.
Dhinaca kale, Barcelona oo 30 jeer koobka qaadatay ayaa markii ugu dambaysay ee ay hanato waxa uu ahaa xilli ciyaareedkii 2017-18, waxayse xilli ciyaareedkan u dhaarsan yihiin sidii ay koobkan gacanta ugu dhigi lahaayeen maadaama ay kasoo hadheen Champions League, lagana qaaday Spanish Super Cup, isla markaana horyaalka ay illaa maalinta ugu dambaysa isku dhegsanaan doonaan Real Madrid iyo Atletico Madrid.
Kooxda reer Catalonia ayaa kulankani u imanayaa iyagoo niyad-jab kasoo gaadhay ciyaartii ugu dambaysay oo Real Madrid ay ku garaacday 2-1, una degtay kaalinta saddexaad ee horyaalka, laakiin in ay koobkan qaadaan waxa uu usoo noolaynayaa niyaddooda.
Barca waxay wareegyadii hore kusoo garaacday Cornella, Rayo Vallecano, Granada iyo Sevilla oo ahayd wareeggii siddeedda oo ay guul soo laabasho ah ka gaadheen.
Tababare Ronald Koeman ayaa kulanka caawa ka hor, waxa uu sii ogsoon yahay in kooxdiisu ay labadii kulan ee horyaalka LaLiga ee xilli ciyaareedkan ay garaaceen Athletic Bilbao, laakiin iyaguna ay guul-darro kala kulmeen kooxdan semi-finalkii Spanish Super Cup ee bishii January.
Xogta kulanka
Ciyaarta: Athletic Bilbao vs Barcelona
Tartanka: Finalka Copa del Rey
Waqtiga: 10pm – Saacadda Geeska Afrika
Garoonka: Estadio de La Cartuja
Wararkii u dambeeyey labada kooxood
Athletic Bilbao waxa ka maqan Peru Nolaskoain, Yuri Berchiche, Yeray Alvarez iyo Oier Zarraga oo dhamaantood dhaawac ah, waxaase taam ah laacibiinta waaweyn ee Iker Muniain, Raul Garcia iyo Inaki Williams.
Barcelona ayaa kaliya ay ka maqan yihiin saddexda ciyaartoy ee Phillipe Coutinho, Ansu Fati iyo goolhaye Neto, waxaana usoo laabtay Gerard Pique oo rajaynaya in uu kusoo bilowdo.
Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood
Athletic Bilbao: Simon; De Marcos, Nunez, Martinez, Lekue; Berenguer, Vencedor, D Garcia, Muniain; R Garcia, Williams
Barcelona: Ter Stegen; De Jong, Pique, Lenglet; Dest, Busquets, Pedri, Alba; Griezmann, Messi, Dembele.