Warside Ingiriiska kasoo baxa oo shaaciyay halka uu Harry Kane doonayo inuu u dhaqaaqo xagaagan.

0
240

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Weeraryahanka kooxda Tottenham Hotspur ee Harry Kane ayaa si aad ah loola xiriirinayaa inuu xagaagan isaga tagi doono naadigiisa, waxaana wararka maanta kasoo baxaya England ay sheegayaan halka ay u badan tahay inuu u hayaamo marka uu dhammaado xilli ciyaareedkan.

Waxaa haatan lagu soo warramayaa inuu Kane door bidayo sii joogista horyaalka Premier League isla markaasna uu ku biiro midkood Manchester United iyo Manchester City.

Mustaqbalka kabtanka xulka qaranka England ayaa laga deyrinayaa, waxaana saxaafadda dalkiisa ayaa aad u baahinayaa warar ku saabsan inuu Spurs ka tagi doono dhammaadka fasalkan haddii ay usoo bixi weyso tartanka Champions League xilli ciyaareedka soo socda.

Jariiradda The Independent ayaa qoreysa in Kane uu dhageysan doono dalabaadka kaga imaanaya kooxaha ka dhisan magaalada Manchester si uu baaqi ugu sii ahaado horyaalka Ingiriiska.

Si kastaba ha ahaatee, waxay majaladda England kasoo baxda intaas ku dareysaa in 27-jirkan uu xiiso ka helayo Paris Saint-Germain haddii ay xagaagan lumiso Kylian Mbappe.