Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kulammo ka tirsan shanta horyaal ee waaweyn ee qaaradda Yurub ayaa maanta illaa caawa la ciyaari doonaa, waxaana kulanka ugu xiisaha badan uu yahay kan dhex maraya kooxaha Tottenham Hotspur iyo Manchester United.
Horyaalka Premier League ayaa laga ciyaari doonaa illaa iyo afar kulan, waxaana kulammadaas qayb ka ah kulanka Arsenal ay martida u noqoneyso Sheffield United.
Dhanka kale kooxda hoggaamineysa horyaalka La Liga ee Atletico Madrid ayaa caawa booqaneysa kooxda Real Betis ciyaar horyaalka ka tirsan iyadoo heysata fursad ay hoggaanka ugu qaban karto farqi saddex dhibcood ah.
Hoggaamiyeyaasha horyaalka Serie A ee Inter Milan ayaa duhurnimada maanta la ciyaaraya Cagliari, halka Juventus ay la ciyaareyso Genoa.
Haddaba halkaan hoose ka eeg guud ahaan kulammada maanta iyo caawa laga ciyaari doono horyaallada ugu waa weyn Yurub & saacadaha ay soo geli doonaan xilliga geeska Afrika:-
ENGLAND – PREMIER LEAGUE
02:00 Duhurnimo: Burnley vs Newcastle United
04:05 Galabnimo: West Ham United vs Leicester City
06:30 Maqribnimo: Tottenham Hotspur vs Manchester United
09:00 Habeennimo: Sheffield United vs Arsenal
SPAIN – LALIGA SANTANDER
03:00 Galabnimo: Villarreal vs Osasuna
05:15 Galabnimo: Valencia vs Real Sociedad
07:30 Habeennimo: Real Valladolid vs Granada
10:00 Habeennimo: Real Betis vs Atletico Madrid
GERMANY – BUNDESLIGA
04:30 Galabnimo: Schalke 04 vs Ausburg
07:00 Fiidnimo: 1. FC Koln vs Mainz 05
FRANCE – LIGUE 1
02:00 Duhurnimo: Rennes vs Nantes
04:00 Galabnimo: Brest vs Nimes
04:00 Galabnimo: Lens vs Lorient
04:00 Galabnimo: Nice vs Reims
04:00 Galabnimo: Saint-Etienne vs Bordeaux
06:05 Maqribnimo: Monaco vs Dijon
10:00 Habeennimo: Lyon vs Angers
ITALY- SERIE A
01:30 Duhurnimo: Inter vs Cagliari
04:00 Galabnimo: Hellas Verona vs Lazio
04:00 Galabnimo: Juventus vs Genoa
04:00 Galabnimo: Sampdoria vs Napoli
07:00 Habeennimo: Roma vs Bologna
09:45 Habeennimo: Fiorentina vs Atalanta