Magaalada Baladweyne oo lagu soo gunaanaday tababar ku saabsan doorka haweenka ee xalinta khilaafadka.

0
185

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa lagu soo gunaanaday tababar ku saabsan doorka haweenka ee xalinta khilaafadka, waxana ka qeyb galay 40 haween ah.

Tababarkan oo socday muddo afar maalmood ah ayaa haweenka ka qeyb galay la baray sida ugu haboon ee ay uga qeyb qaadan karan xalinta khilaafadka, iyo nabadda.

Guddoomiyaha ururka wacyigelinta iyo ka hortaga gudniinka fircooniga ee gobolka Hiiraan Maryan Cabdulle Xassan ayaa sheegay in xubnaha ka qeyb galay tababarkan ay wax badan ka faa’ideen.

” Tababarkan wuxuu ku saabsana doorka haweenka ay ku lee yihiin xalinta khilaafadka, wuxuuna socday muddo afar maalmood, waxana ka qeyb galay 40 haween oo kala yimid xaafaddaha magaalada Baladweyne iyo kaamanka barakacayasha, sida aan ka war qabno markii hore haweenka door kuma laheyn xalinta khilaafadka bulshada, basle hadda waxaa lagu baraarujiyay inay door ka qaatan xalinta khilaafadka,dhamaantood haweenka waxay diyaar u yihiin inay kaalin ka qaatan xalinta khilaafadka soo kala dhax gala bulshada, maadaam markii hore rag oo kaliya ay xalin jireen”ayay tiri guddoomiyaha ururka wacyigelinta iyo ka hortaga gudniinka fircooniga ee gobolka Hiiraan Maryan Cabdulle Xassan.

Tababarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee haween lagu baro xalinta khilaafadka islamarkana lagu qabto magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.