Jordan: Amiir Xamzah oo Ballan-qaaday In uu la Shaqeyn Doono Boqortooyada

0
211

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Amiir Xamzaha dalka Jordan oo maalmihii la soo dhaafay dowladda dalkaas ay xabsi guri gelisay ayaa soo saaray qoraal u uku caddeynayo in uu daacad u yahay dalkiisa.

“Waxaan ahaan doonaa mid daacad u ah dastuurka Boqortooyada Haashimiyada ee qaaliga ah ee Urdun, mar walbana waxaan noqon doonaa mid caawimaad iyo taageero u fidiya haybaddiisa boqorka iyo amiirkiisa dhaxalka leh” ayaa ku yiri amiirka qoraalkiisa.

Amiir Xamzah, amiirkii hore ee dhaxalka boqornimada, ayaa saxiixay warqadda kadib markii uu la kulmay amiir Xasan, boqorka adeerkiis, iyo amiirro kale Isniintii sida ay shaacisya maxkamadda boqortooyada.

“Danaha dalka hooyo waa inuu ka sarreeyaa tixgelin kasta. Dhammaanteen waa inaan garab istaagnaa boqorka dadaalkiisa ku aaddan ilaalinta Urdun iyo danaheeda qaran” ayaa lagu yiri warqadda.

Warqadda ayaa timid kaddib markii Boqor Cabdallaha Labaad uu oggolaaday in uu galo dhex dhexaadin si uu u qaboojiyo khilaaf ka dhex jira qoyska boqortooyada dalkaas Urdun.

Amiir Xamzah ayay dowladdu ku eedeysay ku lug lahaanshaha shirqool lagu khalkhal gelinayo ammaanka boqortooyada taas oo la sheegay in la fashiliyay.

2004-tii ayay ahayd markii amiir Xamzah laga saaray liiska dhaxal sugaha dalkaas oo uu u taagnaa.