Horudhac: Chelsea vs West Bromwich Albion… (Blues oo doonaysa inay adkeysato kaalinteeda afaraad ee Premier League)

0
194

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa doonaysa inay xoojisato kaalinteeda afaraad ee kala sarreynta horyaalka Premier League, marka ay garoonkooda ku soo dhoweynaynaa maanta oo Sabti ah naadiga West Bromwich Albion kulan qeyb ka ah horyaalka Ingiriiska.

Blues ayaa gashay fasaxii caalamiga ahaa Kaddib markii kulankii ugu dambeeyey ay 2-0 kaga badiyeen Sheffield United tartanka FA Cup-ka, halka West Brom oo weli sii joogta kaalinta ugu hooseysa horyaalka tan ku xigta ay guuldarro 1-0 ah ka soo gaartay Kooxda Crystal Palace kulankoodii ugu dambeeyay ka hor inta aan la aadin ciyaaraha xulalka.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 02:30 Duhurnimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Stamford Bridge

Garsooraha: David Coote (England)

Wararka kooxaha:-

Laacibka khadka dhex ee N’Golo Kante waa ciyaaryanka kaliya ee ka maqan Chelsea kulankan, isagoo hore ka soo laabtay markii uu aaday waajibaadka qarankiisa kaddib dhaawac muqura ah oo soo gaaray.

Thiago Silva, Tammy Abraham, Jorginho iyo Callum Hudson-Odoi ayaa dhammaantood markale taam ah, halka tababaraha kooxda ee Thomas Tuchel uu xaqiijiyay in Timo Werner uu ku soo bilaaban doono kulankan.

Dhinaca kale xiddiga amaahda ah ee West Brom, Conor Gallagher ayaan wajihi doonin kooxda milkiyaddiisa iska leh.

Robson-Kanu ayaa ka mid noqon doona shaxda kooxdiisa inkastoo laga soo celiyey waajibaadka dalkiisa Wales sababo la xiriira inuu jabiyey xakamaynta Korona Fayras.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Fool Ka Fool

>- Chelsea ayaan laga badinin todobadii kulan ee ugu danbeeyay ee Premier League ay wajaheen West Brom, waxaana ay ka haystaan 5 guul iyo 2 barbaro, iyadoo ay xusid mudan tahay inay ka yimaadeen 0-3 lagu kala nastay qeybta hore oo lagu hoggaamiyey Blues si ay barbaro 3-3 uga dhigaan kulankii ay labadan kooxood wada ciyaareen horyaalka fasal ciayareedkan.

>- West Brom ayaan guul gaarin 15 kulan oo horyaalka ah oo ay marti u ahaayeen kooxda Chelsea, iyagoo aan wax guul ah gaarin tan iyo guushoodii 3-1 ee ay ka gaareen bishii September ee sanadkii 1978-dii, waxaana tan iyo markaas kala kulmeen 3 barbaro iyo 12 guuldarro.

Chelsea

>- Kooxda Chelsea ayaa guuldarro la’aan ah (unbeaten) 14-keedii kulan ee ay ciyaartay tan iyo markii ay macallinkeeda koowaad u magacaabatay Thomas Tuchel, waxaana ay haystaan 10 guul iyo 4 barbaro.

>- Waxaa laga dhaliyey kaliya labo gool tan iyo waqtigaas, waxaana ay shabaqooda gool ka ilaashadeen siddeed kulan tartammada oo dhan, kulanka maanta ayaana haddii ay sidaas yeesho waxa uu noqon doontaa heerkoodii ugu fiicnaa ee rikoorka kooxda tan iyo sanadkii 1905-kii.

>- The Blues ayaa noqon karta kaliya kooxdii labaad ee shabaqeeda gool ka ilaashata iyadoo ku ciyaareysa garoonkeeda kulammada horyaalka isla markaana ka hoos ciyaareysa hal tababare, Manchester City ayaana sidaas hore u sameysay iyadoo ka hoos ciyaareysa Ron Saunders fasal ciyaareedkii 1973-74.

>- Kooxda Chelsea ayaa guuleysatay 11 kulan oo xiriir ah horyaalka ee ay garoonkeeda kus oo dhoweysay kooxaha markaas ku jira kaalimaha looga laabto horyaalka, waxaana cel-celis ahaan ay iska dhaliyeen 31-4.

West Bromwich Albion

>- Guusha kaliya ee Albion ay gaartay 11 kulan oo horyaalka ah waxay timid iyadoo gurigeeda kula ciyaaraysay Brighton bishii Febraayo.

>- Waxaa laga badiyay afar ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeeyay oo ay marti ahaayeen, marka laga reebo barbaro goolal la’aan ah oo ay la galeen Burnley.

>- Kooxda Tababare Sam Allardyce ayaa ilaashatay saddex jeer shabaqeeda shantii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka.

>- Si kastaba ha noqotee, waxay dhaliyeen kaliya 10 gool 16 kulan oo ay Horyaalka ka hoos ciyaareen tababare Allardyce.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:-